Wakaaladda wararka dowladda ee KNA ayaa ku warramaysa in maamulka isgaarsiinta dalka ee (CA) uu billaabay inuu agab isgaarsiineed ka hirgeliyo afar degmo oo hoos tago ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta.
Tani ayaa qayb ka ah wajiga labaad ee mashruuca xiriirinta dhanka isgaarsiineed ee taleefoonada gacanta ee laga wado 19 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Degmooyinka Tana River ee mashruucan ka faa’iidaysanaya ayaa kala ah Titila, Kamaguru, Oldowan iyo Walsorhea.
Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda warfaafinta , isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda Erick Kiraithe oo warbaahinta kula hadlay magaala Hola ayaa xusay in mashruucan loogu talagalay deegaannada oo horay u lahayn khad shacabka u fududeyn karo inay wada xiriiraan.
Kiraithe ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii barnaamijkan loo dhameystiri lahaa ka hor xilliga doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.
Wajigii koowaad ee mashruucan ayuu maamulka isgaarsiinta dalka waxaa uu khadka intarneetka u sameeyay 884 ka mid ah dugsiyada sare ee dowliga ah oo ku yaalla 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay.
Waxaa xarumahaasi ka mid ahaa dugsiyada sare ee Madogo iyo Tarasaa oo ku yaalla dowlad deegaanka Tana River.