265 qof oo shilal ku dhintay tan iyo billowgii sanadkan

0
427

Laamaha ammaanka ee dalka ayaa sheegay in tan iyo koowdii bishan Jannaayo tirada dadka ee gudaha Kenya ugu geeriyooday shilalka waddooyinka ay tahay 265 qof.
Tani ayaa u dhiganta koror dhan boqolkiiba 32 marka loo barbardhigotiradii la diiwaangeliyay sanadkii hore xilligan oo kale
Taliyaha ciidamada taraafikada ee wadanka Mary Omari ayaa sheegtay in sanadkii hore bishii koowaad ay shilal ku dhinteen 201 ruux.
Dadka ay saameynta ugu badan ka soo gaartay shilalka waxaa ugu badan shakhsiyaadka waddooyinka gudbaya ama hareeraha jidadka socdo.
Nairobi ayaa ugu horreysa waxaana laga diiwaangeliyay 85 oo dhimasho ah.
Sidoo kale tirada dhaawaca ka dhashay shilalka ayaa ah in ka badan 400.
Sanadkii hore , shilal ka dhacay waddooyinka kala duwan ee dalka ayaa galaaftay nolosha 4,579 qof halka sanadkii ka sii horreeyay ee 202-kii tiradan ay ahayd 3,500 .