Dowladda oo sheegtay in sanadkii hore ay dalxiisayaal badan Kenya soo gaareen

0
537

Warbixin uu saaraay machadka sameeya darasaadka ku saabsan dalxiiska ayaa tilmaamaysa in tirada dalxiisayaasha ee wadanka yimid sanadkii hore ay boqolkiiba 34.76 ka sarreysay midii 2020-kii.
Tirada dadka ka soo safray waddamada kale ee Kenya u soo damaashaad tagay ayaa lagu sheegay 870,465 qof.
Waxaa warbixinta magaalada Nairobi shaaca kaga qaaday wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta ee Kenya Najib Balala.
Warbixinta waxaa ku cad in faracii corona ee Delta uu 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkii tagay saameeyay howlaha dalxiiska ee wadanka.
Hasa ahaate intii u dhexeysay bilihii 6-aad ilaa 12-aad ee 2021-kii ayaa la dareemay koror dhanka tirada dalxiisayaasha ah.
Mr. Najib Balala ayaa laga soo xigtay in Kenya ay arrimaha dalxiiska sanadkii hore ka heshay dhaqaale dhan 146 bilyan oo shilin marka loo barbardhigo sanadkii ka sii horeeyay oo dakhliga soo xarooday uu ahaa 88 bilyan oo shilin.