Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Heer maamul Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah 11 kii kursi ee guddigu shaaciyey 1-dii Bishaan.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada, halka Maalinta Sabtida ah ay noqon doonto Tababarida Guddiga iyo soo Gudbinta Ergooyinka.
Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxay sheegeen in 23 Bishan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta Ergada iyo tababarka Ergadaasi.
Ugu dambeyn 24-ka Bishaan oo ku beegan Isniinta so socota Gudiga ayaa diiwaangelin doona musharrixiinta Saddexda kursi halka Maalinta talaadada ah oo ku eegan 25 Bisha Janaayo Magaalada Baydhabo lagu qabanayo doorashada Saddexdaasi Kursi sida ku cad jadwalkaa y gudiga doorashooyinka Koonfur Galbeed soo saareen.
Kuraasta doorashooda ay qabanayaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ay kala yihiin.
1: HOPHO56
2: HOPH#O02
3: HOP#231
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada 5 kursi, waxaana sidoo kale la filayaa in Maamulka Jubbaland uu Magaalada Kismaayo ka bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Fedraalka Soomaaliyeed.
Dhanka kale wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta dowlada Soomaaliya ayaa waxay magaalada Baydhabo ku qabatay kulan looga hadlayay ka hortaga fikirka xagjirka ah.
Kulamada noocaan ah ayay wasaaradu todobaadyadii la soo dhaafay ku qabanaysay deegaanada maamul goboleedyada waxaana looga gooleeyahay in dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed lagu fahan siiyay dhibataooyinka laga dhaxlo fikradaha Khaldan.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Gudiga doorashada Koonfur Galbeed oo soo saaray Jadwalka doorasho 3 kursi