10 ka mid ah shaqaalaha Kenya Power oo xabsi ku sii jiraya

0
522

Maxkamadda dalka ayaa amartay in siddeed cisho oo dheeraad ah ay xabsiga ku sii jiraan 10 ka mid ah howlwadeenada shirkadda korontada ee wadanka.
Muddadan ayaa lagu soo dhameystiri doonaa baaritaannada shakhsiyaadkan ka dhanka ah.
Waxaa lala xiriirinayaa inay ka dambeeyeen cillad dhanka adeeggan ah oo maalmo ka hor saameysay waddanka oo dhan.
Kenya Power ayaa koronto la’aan saacado jirtay u aaneysay inay dumeen afar ka mid ah haamaha korontada ee deegaanka Embakasi.
Hasa ahaate waxaa durbaba soo baxay eedeymo ah inay jirtay faragelin iyadoo saraakiisha lagu tuhunsan yahay oo xilal kala duwan ka haya shirkadda ay hadda baaritaano ku socdaan.
Saraakiisha 8 cisho xabsiga ku sii jiraya ayaa kala ah David Kamau Mutitu, George Kipkoech Korir, Julius Karani Mwaniki, Geoffery Kipkirui Kigen, Antony Gathii Njaramba, Martin Musyoki Makasa, Joshua Wakakha Mang’eni, Raphael Ndolo Kimeu iyo Peter Musyoki Kithusya.
Booliska ayaa maxkamadda ka codsaday 21 cisho balse waa laga diiday oo waxaa loo qabtay inay 8 maalmood ku soo gabagabeeyaan baaritaannada .