Booliska oo beeniyay inaysan sida habboon ula tacaalin rabshadaha siyaasadeed

0
287

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa gaashaanka u daruurtay eedeyn dhawaan uga timid xisbiga UDA oo ahayd inay muujisay habacsanaan ku aaddan wax ka qabashada rabshadaha siyaasadeed.
Afhayeenka booliska Kenya Bruno Shiso ayaa dhaliilaha loo jeediyay ku tilmaamay kuwo been abuur oo aan loo meel dayin.
Waxaa uu xusay in eedeynta ay tahayd mid aan niyad wanaag ku saleysnayn oo la doonayo in lagu dhaawaco sumcadda adeegga booliska iyo saraakiisha amniga.
Bruno ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan eedeymaha ku xusan warqadda UDA aan si rasmi ah loogu gudbin waaxda NPS.
Bayaanka agaasimaha isgaarsiinta ee booliska dalka waxaa ku cad in adeeggan uu yahay mid u hoggaansamo xeerarka dalka sidaas awgeedna waajibaadkiisa uu gudanaya iyadoo aan cidna loo eexan ama la bartilmaameedsan.
Talaadadii ayay ahayd markii guddoomiyaha xisbiga UDA Johnson Muthama iyo xoghayaha guud ee xisbigaasi Veronica Maina ay soo saareen warqad ay ku eedeynayaan booliska iyagoo doonaya in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu xaqiijiyo in hay’adaha ammaanka aan loo adeegsan fulinta dano siyaasadeed.
UDA ayaa xustay inay dhaceen ilaa 10 dhacdooyin ah oo rabshadeysan oo ugu yaraan 6 ka mid ah lagu wargeliyay abaanduulaha booliska wadanka Hillary Mutyambai balse sida ay ku doodayaan aan waxba laga qaban.
Iyadoo lagu wado in dalka ay doorasho guud ka dhacdo bisha siddeedaad ee sanadkan ayay waaxda qaran ee adeegga booliska dhammaan daneeyaasha siyaasadeed ku boorrisay inay deganaansho muujiyaan oo ay ka fogaadaan falalka wax u dhimi karo waxqabadka maamullada qaabiilsan mideynta shacabka iyo xaqiijinta xasiloonida wadanka.
Dhanka kale booliska ayaa sheegay in webiga degmada Yala ee ismaamulka Siaya meydadka laga soo saaray ay yihiin 19 in kastoo horay loo soo tabiyay 21.
Booliska ayaa xusay in khuburro loo saaray inay baaritaano dheeraad ah sameeyaan si daaha looga qaado xaqiiqada la xiriirta dhacdadaasi oo ay dadka deegaanka walaac xooggan ka muujiyeen.