Maamulka Galmudug oo awaamiir ku soo rogay gaadiidleyda degmada Cadaado

0
736

Taliska Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa soo saaray amaro cusub oo ku socda gaadiidleyda ka shaqeeya Gudaha Magaaladaas iyo dadka sida sharci darrada ah hubka ugu haysta magaalada Cadaado iyo deegaanada Hoos yimaada.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cadaado Cabdullaahi Cabdi Daahir ayaa waxaa dhammaan gaadiidleyda lagu amray inay iska diiwaan geliyaan Saldhiga Booliska Magaaladaasi.
Amarkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu doonayo in lagu hubiy amniga Magaalada, isla markaana waxaa gaadiidleyda la faray inay isku diiwaan-geliyaan muddo saddex maalmood gudahood.
Taliye ku-xigeenka Saldhiga Booliska Cadaado ayaa dhammaan Milkiilayaasha Hoteelada Magaaladaas ku yaala, goobaha Ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo dadka kale ee heysta hubka sharci darrada ah ku amray inay tagaan Saldhiga Booliska Cadaado.
Ugu dambeyn Qoraalka ka soo baxay taliska Ciidanka booliska Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu caddeyay in cidii fulin weyda amarkaan laga qaadi doono tallaabo adeg oo sharciga waafaqsan, waxaana ujeedka amarka loo soo saaray lagu sheegay in lagu xaqiijinayo amniga Magaalada Cadaado iyo deegaanada Hoos yimaada.