Madaxda waqooyiga dalka oo la kulmay Raila Odinga

0
444

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin isbeddel ah oo uu doonayo inuu ka hirgeliyo dhinacyada beeraha, waxbarashada iyo caafimaadka haddii uu ku guuleysto hoggaanka ugu sarreeya dalka ee doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.
Mr. Odinga oo maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee laga soo doortay gobolka waqooyi bari, ayaa ballanqaaday in maamulkiisa uu shaqo abuur u sameyn doono muwaadiniinta dowlad deegaannada oomanaha.
Waxaa uu intaa ku daray inuu xal u heli doono caqabadaha waxbarasho oo ay wajahayaan shacabka gobolka waqooyiga dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa intaa ku daray inuu horumarin doono wershadaha hilibka ee gobolka waqooyiga dalka, isaga oo sheegay in wax qabadkooda ugu weyn uu yahay ilaalinta xoolaha islamarkaana maamulkiisa uu kor u qaadi doono dhaqaalaha deegaanada reer guuraga ah, haddii uu ku guuleysto jagada ugu sarreyso ee dalka.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa markale ku celceliyay in ballanqaadkiisa ku aadan in qoysaska danyarta ah ee aanan u soo xaroonin dakhli, bil walbo la siin doono 6 kun shillin ka dib doorashada guud ee sanadkan.
Mr.Odinga ayaa intaa ku daray in maamulkiisa uu xaqiijin doono in muwaadin kasta uu heli doono caymis caafimaad oo jaban oo hoos yimaada barnaamijka caafimaadka ee Baba Care.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani, oo ku hadlayay magaca madaxda waqooyiga dalka ee la kulmay Mr. Odinga, ayaa u xaqiijiyay in ay taageersan yihiin madaxa xisbiga ODM.
Mr. Ukur Yatani ayaa caddeeyay inay ku kalsoon yihiin hoggaamiyaha xisbiga ODM, islamarkaana ay si shuruud la’aan ugu codeyn doonaan doorashada guud ee sanadkan.
Waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ra’iisul wasaarihii hore ee dalka si uu u gaaro ajandihiisa hoggaamineed ee horumarineed.