Musharrax madaxweyne Jimmi Wanjigi oo maxkamad la soo taagay, ka dib markii shalay la xiray

0
696

Waxaa maanta maxkamadda Milimani ee magaaalda Nairobi la soo taagay ganacsadaha caanka ah ee lagu magacaabo Jimi Wanjigi sidoo kalena ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadkan, ka dib markii uu xalay ku hooyday saldhigga booliska ee Kamukunji.
Mr. Wanjigi, oo galinkii dambe ee shalay ay soo xireen saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ee qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU), xilli uu sugnaa xafiiskiisa deegaanka Westland ee magaalada Nairobi ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu dhul si been ah ku qaatay iyo haysashada sabar loogooyin aan waxbo ka jirin.
Waxaa uu iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay ee la xiriira arrimo dhuleed ee been abuur ah.
Ganacsadaha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in hanti qiimaheeda ka badan tahay 10 milyan oo shilin ay burburiyeen saraakiishii booliska xilliga ay kuguda jireen soo xiritaankiisa, markaas oo uu ku sugnaa xafiiskiisa oo ku yaalla xaafadda Westlands, ee magaalada Nairobi.
Qareenka matalaya ganacsadaha oo lagu magacaabo Otieno ayaa tallaabada lagu soo xiray Jimi Wanjigi ku tilmaamay mid xadgudub ku ah hannaanka garsoorka.
Waxaa uu intaa ku daray in amarka lagu soo xiray ganacsadaha uu yahay mid sharciga baal marsan, maadaama aan looga yeeran maxkamad ama saldhig boolis ah.
Agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa ku taliyay in dacwad lagu soo oogo Wanjigi iyo xaaskiisa oo lagu magacaabo Irene Nzisa, kuwaas oo lagu eedeeyay inay lacag si been abuur ku heleen.
Waararka ayaa intaa ku daraya inay sidoo kale ku lug leeyihiin shirqool khiyaano oo dhul ku yaalla magaalada Nairobi, kaas oo qiimihiisu lagu sheegay 1.2 bilyan oo shilinka dalka ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa dhanka kale billowday baaritaanno lagu xaqiijinayo cidda dhabta ah ee iska leh dhulkaasi, oo ay sheeganayaan saddex dhinac.
Dhanka kale ganacsade Jimi Wanjigi ayaa ku andacoonaya in xariggiisa uusan wax lug ah ku lahayn kiiska la xiriira dhulka, hasa ahaate lagu bartilmaameedsanayo mowqifkiisa siyaasadeed.