Janeraal Xuud oo maanta Muqdisho gaaray

0
517

Goor dhaweyd waxa Muqdisho gaaray Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo uu la socdo taliyaha ciidamada dhulka ee milatariga Soomaaliya Janeraal Maxamad Tahliil Biixi.
Labada Janan ayaa ka soo duulay magaalada Beledweyne oo ay wadahadallo ku lahaayeen labadii cisho ee la soo dhaafay.
Janeraal Xuud ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Madaxweynaha Soomaaliya Maxamada Cabdillaahi Farmaajo si xal kama dambeys ah loogu hello khilaaf ka taagan gobolka Hiiraan.
Janaraal Xuud ayaa miliishiyo hubeysan ku haysta Beledweyne, isagoo diidan maamulka Hirshabeelle ee uu madaxda ka yahay Cali Guudlaawe Xuseen. Maamulka Hirshabeelle waxa dhismihiisa gacan weyn ku lahayd Dawladda Federaalka.