Maamulka KeNHA oo burburiyay in ka badan 300 dukaan oo ku yaalla ismaamulka Homa Bay

0
725

Waxaa ay khaasaro soo wajahday qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka Karachuonyo ee ismaamulka Homa Bay ka dib markii maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA uu burburiyay goobo ganacsi oo gaaraya ugu yaraan 300 oo dukaan.
Dukaamadan oo ay lahaayeen in ka badan 300 oo ganacsato ah ayay KeNHA burburisay xalay fiidkii.
Maamulka KeNHA ayaa ganacsatada goobaha laga burburiyay ku eedeeyay inay ku ganacsanayeen marin waddo.
Ganacsatada ayaa walaac ka muujiyay in la burburiyay dhismahoodii ganacsi iyadoo aan wax macluumaad lala wadaagin.
Waxaa ay dowladda ismaamulka Homa Bay ugu baaqeen in arrinkan ay soo farageliso si ay u helaan goob kale oo ay ku ganacsadaan.