Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa maanta xarunta dowladda hoose ee City Hall ee magaalada Nairobi ka daahfuray qaadashada wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Waxaa uu dadweynaha caasimadda ee aan qaadan kaarka codeynta ugu baaqay inay isdiiwangeliyaan, islamarkaana ay ka faa’iideystaan 21 cisho oo ay diiwaangelinta soconaysa.
Waxaa uu dhanka kale iska foogeeyay eedeyn uga timid ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ee ahayd inuu soo abaabulay iskudaygii Axaddi lagu doonayay in lagu carqaladeeyo isku soo bax siyaasadeed uu madaxa xisbiga UDA ku qabanayay fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi.
Raila oo arrimahan ka hadlay ayaa yiri