Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa manta isku soo bax siyaasadeed ku qabtay xaafadda Pipeline ee koonfurta deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu ku celceliyay in hadii uu hoggaanka ugu sarreya dalka uu qabto , maamulkiisa uu qorsho dhameystiran u hayo dhallinyarada shaqo la’aanta ah.
Ruto ayaa dhallinyarada uga digay in loo adeegsado qabyaalad sidoo kalena loo tilmaamo musharrax gaar ah.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hoosta ka xarriiqay in aan marnaba qofka codbixiyaha ah laga weecin karin xaqiijinta rabitaankiisa iyo u codeynta musharraxa uu ku aaminaya talada dalka .