DHAGEYSO:Senatarka Kakamega oo dalbanaya in Mudavadi uu noqdo musharraxa madaxweyne ee OKA

0
503

Senatarka ismaamulka Kakamega ee galbeedka dalka Cleophas Malala ayaa sheegay inay khasab tahay in Musalia Mudavadi loo soo xusho inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga OKA si taageero looga helo xisbiga ANC.
Waxaa uu Malala ku andacoonaya in guddiga farsamo ee OKA uu dhawaan sheegay in musharraxa madaxweyne uu noqonaya hoggaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka halka dhigiisa ANC Musalia Mudavadi loo soo xulan doono madaxweyne ku xigeen.
Hasa ahaate senatarka Kakamega ayaa wacad ku maray in ANC aysan marnaba oggolaan doonin inay taageero u muujiyaan musharrax aan ahayn ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee wadanka.
Waxaa uu ku celceliyay in Musalia Mudavadi uu horay u soo garab istaagay Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa ODM Raila Odinga sidaas awgeedna la joogo xilligii ay siyaasiyiintan gudi lahaayeen abaalkii loo galay.

Dhanka kale madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi oo aan ka qayb gelin kulankii dhawaan madaxda OKA ay ku qabteen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ayaa beeniyay inuu shirkaasi qaadacay.
Waxaa uu sheegay inuu mashquulsana oo uu saaxiibadiisa ka codsaday inay u cudur daaraan.
Sidoo kale waxaa uu shaaciyay in 23-ka bishan xisbiga ANC uu qaban doono shirweyne looga hadlayo tallaabada xigta ee ay qaadayaan.