Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay inay dardargeliyaan baaritaannada ka dhanka ah shakhsiyaad loo haysto inay jeediyeen hadallo laga dheehan karo kicin dadweyne, rabshad abuur , naceyb, takoor iyo cadowtinimo .
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay madaxa waaxda cadaaladda ee wadanka Martha Koome ka codsan doonaan inay oggolaato dardargelinta dhageysiga dacwadaha la xiriira naceybka iyo isku dirka bulshada.
Nuurdiin Xaaji oo arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa ayaa dhanka kale dadweynaha ku boorriyay inay duubaan oo ayna laamaha ammaanka la wadaagaan hadallada wax u dhimaya xasiloonida guud ee bulshada si ay tani qayb uga noqoto caddeymaha loo adeegsan karo dacwadaha.