Danjiraha Maraykanka ee Afrika oo billaabaya socdaallo nabadeed

0
443

David Satterfield oo ah ergeyga dowladda Maraykanka u qaabilsan qaaradda Afrika ayaa dhawaan soo gaari doono waddamada Suudaan iyo Itoobiya oo ay amni darro ka jirto.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in socdaalkiisa uu berri ka soo billaabi doono magaalada Riyaadh ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ka hor inta uunan u soo gudbin Suudaan iyo Itoobiya.
Socdaalka ayaa qaadan doono ilaa afar cisho sida laga soo xigtay waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington.
Waxaa mas’uulkan socdaalkiisa ku wehelin doonto ku xigeenka xoghayaha waaxda dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Molly Phee .
Labadan mas’uul ayaa Riyaadh kulan kula qaadan doono koox isugu yeerta Friends of Sudan oo loola jeedo saaxiibada Suudaan.
Kooxdan ayaa dalbanaysa in dib loo soo celiyo maamulkii ku meel gaarka ahaa ee Suudaan ka dib afgembigii militari ee halkaasi ka dhacay 25-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.