DEGDEG:Afhayeen Macallimu oo dhaawac halis ah uu ka soo gaaray qarax goor dhaweyd ka dhacay Muqdisho

0
483

Afhayeenka xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macallimu ayaa dhaawac kasoo gaaray qarax goor dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisha.
Waxaana durbadii loola cararay mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli uu Macallimu furayay albaabka gaariga, weliba si dhab ah looma xaqiijin inuu ahaa mid loogu xiray gaariga, ama is miidaamin.
Macallimuu ay dhowr jeer oo hore ka badbaaday dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyo iyo weerarro ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho.
Wixii ka soo kordha qodobkan halkaas ayaad kala socon doontaan.