IEBC oo berri billaabaysa diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0
647

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa lagu wadaa inuu berri billaabo wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Barnaamijkan ayaa laga fulin doonaa dhammaan deegaannada hoose ee ismaamullada Kenya oo gaaraya 1,450.
IEBC ayaa shaacisay in diiwaangelinta ay soconaysa ilaa 6-da bisha labaad ee sanadkan.
Guddiga ayaa cid kasta oo aan ka faa’iidaysan diiwaangelintii sanadkii hore ka codsaday inay u soo baxdo sidii ay isugu diiwaangelin lahayd ka qayb qaadashada doorashada guud ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.