Afhayeenka dowladda oo ka digay kicinta dadweynaha

0
679

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna ayaa bayaan uu soo saaray kaga digay jeedinta hadallada keeni karo kicin dadweyne.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhaqankan loo aaneyn karo isku dulqaad la’aan siyaasadeed.
Oguna ayaa tilmaamay in madaxda oo aanan isugu dulqaadan kala duwanaanshaha dhanka aragtida siyaasadda ay halis ku noqon karto xasiloonida bulshada, nabadgalyada iyo mabaadi’ida dimuqraadiyadeed.
Waxaa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay muwaadin iyo madax labaduba ugu baaqayaan degganaansho.
Cyrus Oguna, afhayeenka dowladda dhexe ayaa ku celceliyay in dadweynaha looga baahan yahay inay ka feejignaadaan hadallada iyo falalka ka dhex abuuri karo kala qaybsanaan.