Kenya oo qorsheynaysa in bisha Lixaad ay COVID-19 ka tallaasho 20 milyan oo qof

0
327

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in qorshuhu uu yahay in ugu dambeyn bisha Lixaad ee sanadkan , dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka COVID-19 la siiyo ugu yaraan 20 milyan oo qof.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 70 ee tirada guud ee dadweynaha ku nool gudaha wadanka.
Qorshaha wasaaradda caafimaadka waxaa sidoo kale ku cad in dhammaadka sanadkan tallaalka ay qaataan 27 milyan.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay in Lix bilood gudahood ay doonayso in ay tallaalka siiso 2.9 milyan oo ah dhallinyarada ay da’doodu u dhexeyso 15 ilaa 17 sano si dhammaadka sanadkan tiradaasi loo gaarsiiyo 5.8 milyan oo da’yar ah.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay dowladdu billowday inay tallaalka corona gaar ahaan nooca Pfizer ay siiso dhallinyarada.
Macluumaadka wasaaradda caafimaadka ayaa muujinaya in ismaamulka Kakamega oo bishii 12-aad ee sanadkii hore dhanka bixinta dawooyinka tallaalka kaga jiray nambarka 23-aad uu hadda soo galay nambarka 5-aad ee liiska.
Waa ismaamulka keliya ee galbeedka dalka oo cudurka ka tallaalay boqolkiiba 20 ee dadka halkaasi ku nool.
Guddoomiyaha guddiga ay dowladda dhexe ee dalka u xilsaartay qaybinta dawooyinka tallaalka Dr. Willis Akhwale ayaa sheegay in ismaamullada ugu yaraan boqolkiiba 20 ee shacabkooda si buuxda uga tallaalay caabuqa corona ay kala yihiin Nairobi oo ah boqolkiiba 36 Nyeri (34% ) Laikipia (28%) ,Kiambu (24%) ,Kakamega (23%),Taita Taveta (21%) halka Uasin Gishu, Murang’a iyo Nyandarua , qaadashada dawooyinka tallaalka ay tahay boqolkiiba 20.