IMF oo doonaysa in isbeddelo ballaaran lagu sameeyo dhaqaalaha Tunisia

0
299

Saraakll sare oo ka tirsan hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ayaa ku talinaya in dowladda dalka Tunisia ay dhaqaalaheeda ku sameyso isbeddello waawayn.
IMF ayaa soo jeedisay in hoos loo dhigo qarashaadka ku baxa musharaadka shaqaalaha dowladda.
Waxaa arrinkan ka hadlay Jerome Vacher oo muddo saddex sano ah hay’adda ku matalayay wadanka Tunisia.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in cudurka COVID-19 uu Tunisia u horseeday hoos u dhicii ugu waynaa ee dhanka dhaqaalaha tan iyo sanadkii 1956-dii.
Deymaha lagu leeyahay dowladda Tunisia ayaa ah ku dhawaad boqolkiiba boqol ee dhaqaalaheeda guud.