Madaxweyne Uhuru oo ka tacsiyeeyay geerida madixii guddiga boostada ee dalka

0
445

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta uu ka baxay Nani Njoroge Mungai oo geeriyooday galinkii dambe ee shalay.
Mr. Njoroge ayaa ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital oo uu muddo dheer ku xanuunsanaa.
Waxaa uu ka hor geeridiisa ahaa madaxa guddiga shirkadda boostada ee dalka, isagoo sidoo kale ahaa garyaqaan howl kar ah.
Madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in si wayn loo tebi doono howsha uu Mr. Njoroge qaranka u hayay.
Waxaa uu qoyska uu ka geeriyooday madaxa guddiga shirkadda boostada ee dalka, u xaqiijiyay inuu taageero u hayo xilligan oo ay murugaysan yihiin.