DHAGEYSO:Xildhibaanka deegaanka Kapsaret oo sheegay in siyasiyiinta UDA si cadaalad ah loo kala xulan doono

0
259

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kapsaret ee ismaamulka Uasin Gishu Oscar Sudi ayaa sheegay in isreeb-reebka lagu kala xulanaya musharraxiinta xisbiga UDA uu noqon doono mid loo wajaho si ay caddaalad ku dheehan tahay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kalsoonida lagu qabi karo geeddisocodkan uu yahay mid aan cidna loogu daneynayn balse dhammaan xubnaha xisbigu ay xaq u leeyihiin.
Waxaa uu intaa ku daray in shakhsi walbo uu xaq dasturi u leeyahay inuu turtamo.
Mar uu arrimaha ka hadlay ayuu yiri xildhibaanka deegaanka Kapsaret ee ismaamulka Uasin Gishu