Maamulka KeNHA oo bayaan ka soo saaray waddada wayn ee Nairobi Expressway

0
454

Maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa sheegay in horumar hor leh laga sameeyay waddada wayn ee Nairobi Expressway.
Bayaan uu maamulkan soo saaray ayuu ku sheegay in boqolkiiba 80 la dhameystiray mashruuca waddadaasi.
Waxaa bayaanka maamulka KeNHA qayb ka ah in mashruucaan la dhameystiri doono bisha Saddexaad ee sanadkan.
Maamulka ayaa dhanka kale ka digay in waddooyinka qaar ay wali ciriiri ka jiraan maadaama dhismaha waddada Nairobi Expressway uu wali socdo.
Wadayaasha gaadiidka ayaa laga codsaday inay sii wadaan taxadarka iyo ixtiraamka waddada, maadaama taasi ay caawin doonto inay si wanaagsan u maareeyaan taraafikada ee goobta uu dhismaha ka socdo.
Mashruuca waddada wayn ee Nairobi Expressway ayaa waxaa bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii daahfuray madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.