Iyadoo lagu wado in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada wadanka ee IEBC uu 17-ka bishan billaabo wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa waxaa uu guddigu baaq u diray haweenka.
Guddoomiye ku xigeenka IEBC Juliana Cherera ayaa dumarka ku boorrisay inay ka mid noqdaan musharraxiinta siyasadeed ee bisha siddeedaad ee sanadkan si loo buuxiyo gaabadka dhanka sinnaanta jinsiyadeed ee dhanka hoggaanka.
Waxay intaasi ku dartay in sidoo kale haweenka looga baahan yahay inay dhexdooda taageero isu muujiyaan.
Juliana ayaa xustay inay qasab tahay in haweenka ay ka dhex muuqdaan saaxadda siyaasadeed, dhaqaale iyo midda bulsho.
Diiwaangelinta cusub ee kenyaanka oo billaabanaysa Isniinta ayaa socon doonto ilaa 6-da bisha labaad ee sanadkan.
Dhanka kale macluumaadka guddiga IEBC ayaa muujinaya in marka la eego 19.6 milyan oo qof oo la diiwaangeliyay sanadkii 2017-kii, haweenka ay tiradoodu ahayd boqolkiiba 46.6.
Cherera ayaa carrabka ku dhufatay in haweenka ay tahay inay ka faa’iidaystaan tiradooda oo ay u istagaan xilalka muhiimka ee hoggaanka ee heerarka dowladda.