Qoyska nin ay Maraykanka ku haayeen xabsi mudda 14 sano oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin ayaa doonaya inaan la dhibaatayn marka uu Kenya soo gaaro,Abdulmalik Mohamed Bajabu, oo ka soo jeeda magalada Mombasa kuna jiray xabsiga Guantanamo Bay mudda 10 sano ka badan ayaa la filaya in al soo daayo.
Bajabu ayaa kamid ah shanta qof ee ugu horeeysay oo saraakkisha maraykanka ka soo daayaan xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba.
Go’anka lagu soo deynayo ayaa waxa ku dhawaaqay todobadkii tagay guddiga dib u eegista, laantas oo u xil saran inay qiimeeyaan in maxabiista ay dambi leeyihiin.
Guddiga ayaa fasaxay shanqof oo ay ka mid yihiin saddax udhasheen dalka Yemen, Moath Hamza Ahmed al-Alwi, Omar Mohammed Ali Al-Rammah, Suhayl Abdul Anam al Sharabi, Hal shakhsi oo Kenyan ah ; Mohammed Abdul Malik Bajabu, Iyo nin u dhashay dalka Somalia Guled Hassan Duran.
Saddaxda Yemeniyiinta iyo Kenyanka majirin wax dembi ah oo lagu soo oogay balse waxay ahaayeen maxabiis.
Bajabu ayaa ku jiray xabsiga ila sanadkii 2007-dii , Halka Duran uu isna xabsiga ku jiray il aiyo sanadkii 2006-dii.
Sida ay sheegeyeen guddigan, Bajabu ayaa lagu dhiiriyay inuu Kenya ka tago sanadkii 1996-dii si uu tababar ugu soo qaato dalka Somalia halkaasi oo u uku biiray Al-Qaida bariga Afrika.
Maraykanka ayaa sheegay in Bajabu uu ka qayb ahaa falal arggagixsio oo ka dhacay magalada Mombasa gaar ahaan hotelka paradise Iyo Israel Airliner sanadkii 2002-dii.
Gurigooda ,deeganka Likoni ,Mombasa Rajabu walashiis Mwajuma Rajab ayaa sheegtay In warka walalkeed ay u soo sheegen saaxibadeed oo ka akhristay joornaalada.
Waxay sheegtay in Milatariga Guantanamo bay ay u fududeeyeen in saddaxdii bil ay mar la hadasho walaalkeed iyada oo adeegsaneyso barta Skype.
Mwajuma ayaa xustay in xiligii la qabanaye uu laha reer iyo saddax carrur.
Waxay warbahainta u xaqiijisay in walalkeed Mohamed uu ka shaqeynaye warshada burka ka dibna waxa uu galay ganacsiga kalluunka.
Mwajuma ayaa xustay in asaga iyo nin somali ah oo ay ganacsiga isla bilaabeen u waregeen Somalia, ka dib marki u uku soo noqday Kenya waa laqabtay waxaana lagu eedeyay fallal arggagixisada.
Waxay sheegtay in intii uu walalkeed ku jiray xabsiga ay geeriyoodeen waalidkooda.