Guddiga hirgelinta doorashada maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee SEIT ayaa shaaciyay Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka ee soo xulaya Ergada 5-tii kursi ee doorashadooda uu guddigu shaaciyey.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa lagu soo bandhigay Liiska magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka, kuwaasoo soo xulaya Ergada 5 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya
Guddiga doorashada ayaa Odayaasha dhaqanka iyo Ururada Bulshada ee magacyadooda la shaaciyey ka codsaday inay Maanta oo khamiis ah tagaan Xarunta Guddiga ee Magaalada Baydhabo, si ay ula kulmaan xubnaha soo xulaya Ergada.
Guddiga ayaa gelinkii dambe ee shalay soo saaray Jadwalka doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana tirsigoodu kala yihiin HOP184, HOP085, HOP156, HOP176 iyo HOP046.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee dhaqan-geliyay qodobadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee heshiiska looga gaaray doorashada Soomaaliya.