DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo gargaar gaarsiisay Garbahaareey

0
593

Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay waxay gargaar Binu aadanimo gaysay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo oo ka mid ah meelaha ay sida ba’an abaaruhu u saameeyeen.
Wafdi ka socday dowlada Fedraalka Soomaaliya oo uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin Dr Gureey ayaa gargaarkaas gaarsiiyay gobolka Gedo wuxuuna faahfaahin ka bixiyay abaaraha saamaynta weyn ku yeeshay guud ahaan dalka Soomaaliya.