Maxkamad ku taal dalka Jarmalka ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay Anwar Raslan oo horay u ahaan jiray Kornayl Suuriyaan ah.
Anwar Raslan ayaa la sheegay in laagu helay dambiyo ka dhan ah xaquqda aadanaha oo uu ka geystay xabsi ku dhow magaalada Dimishiq muddo toban sano ka hor.
Xukunkan oo laagu sheegay mid taariikhi ah ayaa waxaa go’amisaay maxkamadd ku taallo magaalada Koblenz.
Waxaa laagu sheegay mid astaan u ah tillaabadii ugu horeysay ee dhanka cadaaladda loo qaadayo lana xariirta dad aan tiro lahayn oo reer Suuriya ah kuwaas oo tacadiyo la kulmay.
Raslan oo 58 jir ah ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sarreeyay ee lagu maxkamadeeyo xad-gudubyo uu dalka Suuriya ka geystay.
Dacwad oogayaasha ayaa ku dooday in Raslan uu kormeeray jirdil naxariis daaro ahaa oo in ka badan 4,000 oo maxaabiis loogu geystay xabsiga Al-Khatib ee caasimadda Suuriya intii u dhaxeysay bishii Abriil 2011 iyo Sebtembar 2012, taas oo sabaabtay dhimashada ugu yaraan 58 qof.
Xukmanaaha ayaa magangalyo u raadsaday dalka Jarmalka sanadkii 2012-dii.