DHAGEYSO:Guddoomiyaha nabadgalyada Dadaab oo ka hadlay dil shalay dhacay

0
726

Guddoomiyaha guddiga nabadgalyada ee deegaanka Dadaab Cismaan Cabdi Ibraahim ayaa u tacsiyeeyay qoysaska ay ka baxeen afar askari oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee keydka kuwaaso shalay lagu dilay weerar ka dhacay inta u dhexeysa tuulada Kullan iyo magaalada Liboi ee deegaanka Dadaab.
Waxaa uu dhanka kale shacabka iyo laamaha ammaanka ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dadweynaha ku boorriyay inay is dejiyaan oo ayna ciidamada booliska fursad u siiyaan inay soo gabagabeeyaan baaritaannada socdo ee la xiriira weerarkii dhacay .