DHAGEYSO:Hooyo carruurteeda ku dishay dowlad deegaanka Murang’a

0
630

Saraakiisha booliska ee dowlad deegaanka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ayaa lagu soo warramayaa inay billaabeen howlgal ay ku baadi goobayaan haweeneey 21 sano jir ah oo la sheegay inay baxsatay ka dib markii ay maalintii Axadda tooreey ku dishay labo wiil oo ay dhashay .
Sida ku cad warbixinta booliska , Nancy Munjiro oo mindi ku hubaysnayd ayaa dishay wiilkeeda oo 2 sano jir ahaa waxayna sidoo kale dhaawac halis ah gaarsiisay wiilkeeda kale oo isna 4 sano Jir ahaa.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Kianjogo oo hoos tagta deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a.
Dariska ayaa dhacdadan ku soo baxay waxayna wiilka 4 jirka ah ula carareen isbitaalka heerka shanaad ee Murang’a halkaas oo hadda lagu dabiibayo
Mid ka mid ah ehelka wiilasha yaryar ayaa warbaahinta u sheegay inuu dhacdada ka dib maqlay dhawaaqa wiilka 4 sano jirka ah oo caawimaad dalbanaya galabnimadii Axadda sidoo kalena ay goobta ugu tageen maydka wiilka 2 sano jirka ah ah oo sarriirta saaran wax dhaqdhaqaaq ahna samaynayn.
Sidoo kale wuxuu sheegay in labada wiil midkood mindida caloosha laga galiyay.
Markii hore wiilka 4 sano jirka ah ayaa loola cararay isbitaalka Muriranja ka dibna waxaa loo sii gudbiyay isbitaalka heerka shanaad ee Murang’a halkaasoo la sheegay inuu ku maray qalliin lagu guulaystay.
Saraakiisha dambi baarayaasha ah ee howshan gacanta ku haya ayaa sheegay inay heleen xarig ka soo lallada qaybta saqafka ee guriga taasoo keentay shaki la xiriira inay haweenaydu isku dayday inay isdisho ka dib markii ay dhibaataysay labada carruur ah.
Waxaa goobta laga helay mindi la rumaysan yahay inay tahay tii ay dilka u adeegsatay taasoo qayb ka noqonaysa caddaymaha ka dhanka ah eedeysanaha.
Maydka canugga yar ee la dilay ayaa la dhigay goobta maydadka lagu kaydiyo ee isbitaalka Muriranja si baaritaano loogu sameeyo iyadoo weli lagu raadjoogo haweenayda la tuhunsan yahay.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta la hadlay waxayna dowladda ka codsadeen in haweenaydaan gacanta lagu soo dhigo.