Xisbiga UDA oo soo dhaweeyay baaritaanka lagu samaynayo hadal la qoonsaday oo uu jeediyay senatarka Meru

0
681

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga UDA ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan baaritaanada waaxda dacwad soo oogidda ku samaynayso hadal uu magaalada Eldoret Sabtidii ka jeediyay Ssnetarka dowlad deegaanka Meru Mithika Linturi xilli uu socday kulan siyaasadeed oo ay UDA halkaas ku qabatay.
Xisbiga oo lala xiriiriyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay diyaar u yihiin u hoggaansanka xeerarka waaxda dacwad soo oogidda ayna gudbinayaan waxyaabaha looga baahan yahay si loo xaqiijiyo in cadaaladda la horkeena Mr. Linturi oo ku eedaysan inuu jeediyay hadallo nacayb ah.
Warkan ayaa loo aaneeyay maadaama xisbiga UDA hindisihiisu yahay isku duubnida bulshada iyo siyaasadda ay raali galin ka bixinayaan hadal kasta oo la qoonsaday sida ay sheegtay xoghayaha guud ee xisbiga UDA Veronica Maina.
Xisbiga UDA ayaa dowladda ka codsaday inay si dhow ula socoto hadallada ay jeedinayaan xubnaha kale ee siyaasiyiinta ah .
UDA ayaa intaasi ku dartay in qaar badan oo siyaasiyiinta xisbiyada kale ah hadallo noocaan ah jeediyaan balse aan waxba laga soo qaadin.
Xisbiga ayaa sidoo kale hay’adaha sharciga ugu baaqay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan islamarkaana ay gacanta ku dhigaan dhammaan siyaasiyiinta caanka ku ah hadallada la qoonsan karo kuwaasoo ay sheegeen inay adeegsadaan erayga madoadoa iyo erayo kale oo meel ka dhac ah si ay u abaabulaan taageerada arrimo siyaasadeed.
UDA ayaa sidoo kale ku baaqday in hadallada Linturi si guud loo baaro oo aan keliya laga soo qaadan qayb baraha bulshada si aad ah loo wareejinayay ilaa maalinkii Sabtida.
Hadalkaas ayaa la sheegay inuu u muuqday mid ay kala qaybin ku jirto waxayna sababtay in gacanta lagu dhigo sidoo kalena looga yeeray xarunta guddiga qaran ee isdhexgalka iyo midaynta shacabka ee NCIC.
Balse Senetar Linturi ayaa raaligalin ka bixiyay hadalkiisa oo uu sheegay in si khaldan loo fahmay maadaama uu taageereyaasha UDA ku boorrinayay inay si buuxda u taageeraan madaxweyne ku xigeenka xilliga codaynta bisha siddeedaad ee sanadkan.