Waxaa xabsiga loo taxaabay xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii Sylvanus Osoro.
Mudanaha ayaa laga qabtay garoonka Gusii oo uu ka socdo aaska Simeon Nyachae oo horay wasiir uga soo noqday dalka.
Sida laga soo xigtay booliska, xildhibaanka ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu carqaladeeyo howlaha aaska.
Mr .Osoro oo saaxiib dhaw la ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku andacoonaya in xarigga lagula kacay uu yahay mid siyaasadeysan.
Tallaabada lagu xiray siyaasigan ayaa timid waxyar un ka dib markii sidoo kale la xiray ku xigeenka barasaabka Kisii Joash Maangi sababo aan la shaacin awgood.
Mr. Maangi ayaa waxaa xiray booliska dugsiga sare ee Kisii isagoo sugaya inuu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ku soo dhaweeyo xarunta aaska ee Simeon Nyachae.
Labada hoggaamiye ayaa la geeyay saldhigga dhexe ee booliska ee Kisii si su’aalo loo weydiiyo.