Rw Rooble oo kulan sagoonti la qaatay safiir uu dhammaaday muddo xileedkiisa

0
707

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaliya, Ben Fender oo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa ee Dalka Soomaaliya.
Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska oo ku saleysan dhinacyo kala duwan.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka Soomaaliya iyo sida loogu fududeeyay inuu Guto howlihiisa, ayna qabten howl badan oo muhiim ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey safiirka kaalintii uu ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal, isagoo u rajeeyey safiirka mustaqabl wanaasgan.
Dowladda Ingiriiska ayaa dhawaan Safiir cusub u magacaawday dalka Soomaaliya, waxaana Safiirka oo Haween ay xilka kala wareegeysaa Safiirkii hore ee Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender kaasoo ay u dhamaatay muddaadii shaqadiisa.