Cabdiraxmaan Cirro “Muuse Biixi waxa uu doonayaa inuu kordhisto muddo xileedkiisa, marnaba taasi ma aqbali doono”

0
766

Murashaxa madaxtinimada ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xisbiga Waddani, ayaa cambaareeyay isku day uu sheegay in xukuumaddu ay doonaysay iney kaga hor istaago kulamo xisbigu uu ku qaban lahaa magaalada Burco.
Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in kulamada ay taageerayaashooda la yeelanayaan aynan uga fasax qaadanayn taliyaha booliiska iyo barasaabka gobolka Togdheerba.
Waxaa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu doonayo inuu kordhisto muddada xileedkiisa, taasoo uu sheegay in aanay marnaba aqbali doonin.
Ilaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ma ay jirto, taasoo la xiriirta eedahan cusub.