91 Itoobiyaan ah oo loo xiray in ay Kenya si sharci darro ah ku joogaan

0
671

Dambi baarayaal ka tirsan waaxda DCI-da ee dalka ayaa xabsiga dhigay 91 qof oo u dhashay dalka Itoobiya, kuwaasi oo laga soo qabtay guri ku yaalla Milimani oo ka tirsan deegaanka Kitengela ee ismaamulka Kajiado.
Sida laga soo xigtay booliska, baaritaannada horudhaca ah ayaa lagu ogaaday in 91-da qof, 44 ka mid ah ay yihiin dhallinyaro.
Waxaa 91-da qof lagu eedeyay inay gudaha wadanka ku joogaan qaab sharci darro ah, iyo sidoo kalena doonayay inay dalal kale uga sii tahriibaan Kenya.
Mukhalisiin ayaa doonaysay inay si qarsoodi ah uga dhoofiyaan Kenya muwaadiniintan u dhashay wadanka Itoobiya.
Laamaha ammaanka ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay xalay fuliyeen ayaa u suurtagashey in dadkan ay gacanta kusoo dhigaan.
Eedeysanayaasha ayaa lagu xiray saldhigyo kala duwan, si su’aalo loo weydiiyo, iyagoona loo mari doono habraacyo dhanka sharciga ah.