Maxkamadda Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa Maanta oo isniin ah waxaay xukun dil ah ku riday Dable Geedow Maxamed Fiidow oo 23 sano jir ah kaan tirsan Ciidanka Daraawiishta Maamulka koonfur Galbeed.
Askariga oo ka howlgallayay degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa Maxkamaddu waxay ku heshay inuu si bareera ah u dilay qof Shacab ah oo lagu Magacaabi jiray Mursal Cali Cabdi kaasoo wadey Gaari hoomey ah oo ku safrayay Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.
Sidoo kale Xabada uu riday askarigaan ayaa Isha Miidig ka dhaawacday Dhibane Nuur Maxamed Maadey,oo haatan xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Qeybta 60aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo Xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Geedow Maxamed Fiidow lagu riday Xukun dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi.
Maxkamadda Darajada koowad ee Ciidamada Qalabka sida Qeybta 60aad ayaa waxay horay xukunno isugu jira dil iyo xarig ugu riday Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda & Xubno ka tirsan Al-Shabab oo dambiyo kala duwan lagu helay.