Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada wadanka ee IEBC ayaa maanta magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ku qabtay kulan uu ku qorsheynaya codeynta bisha siddeedaad ee sanadkan.
IEBC ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shirkan lagu casuumay waaxda qaran ee bixisa aqoonsiga dalka .
Guddiga ayaa ku dadaalaya sidii uu codbixiyeyaal dheeraad ah u diiwaangelin lahaa ka hor 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan 2022-ka oo lagu wado in Kenya ay ka dhacdo doorashada guud.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay IEBC shaacisay inay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka sameyn doonto gudaha wadanka iyo qurbaha maadaama bishii 11-aad ee sanadkii hore aynan ku guulaysan bartilmaameedsigeedi.
Guddoomiyaha guddigan oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa xusay in diiwaangelinta cusub ay billaaban doonto 17-ka bishan oo ayna soconayso ilaa 6-da bisha labaad.