Qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo khasaaro ka dhashay

0
760

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya Maanta lagula beegsaday inta u dhexeysa deegaannada Ceeldheere iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa Qaraxa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada, iyadoo ku dhintay hal askari halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Qaraxa ka dib Ciidanka dowladda ayaa sameeyay dhaqdhaqaaqyo iyo howlgallo miino baaris ah, kaas oo ay ka sameeyeen waddada u dhexeysa Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud ayaa weli ka hadlin qaraxa, waxaana dhanka kale Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxa ka dhawaajiyeen inay dbimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen 15 ka mid ah askarta dowladda Soomaaliya.