Darasaad lagu ogaaday in dhakhaatiir la tallaalay uu saameeyay cudurka COVID-19

0
790

Cilmi baaris ay sameysay dalladda dhaqaale ee (LREB) ayaa lagu ogaaday in 7 ka mid ah 10-kii dakhaatiir ee qaatay dawooyinka tallaalka inuu haleelay cudurka COVID-19.
Ururkan ayaa hadda doonaya in dowladdu ay dardargeliso sidii howlwadeenada caafimaadka lagu siin lahaa irbadda xoojinaysa tallaalka.
Dalladda dhaqaale ee ay ku mideysan yihiin ismaamullada ku hareeraysan harada Victoria ee (LREB) ayaa waxaa xubno ka ah Bungoma, Busia, Homa Bay, Kakamega,Kisii, Kisumu, Migori, Nyamira, Siaya,Trans Nzoia, Kericho,Bomet, Nandi iyo Vihiga.
Cilmi baarista ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 24-kii November ilaa 26-kii Diseembar ee sanadkii hore.
Waxaa darasaadka ku cad in 1,008 qof oo aan laga tallaalin cudurka uu saameeyay caabuqa corona halka dadka qaatay tallaalka ee uu ku dhacay ay yihiin 674 .