Weerar looga shakisan yahay inay fuliyeen kooxda Al-Shabaab, oo laga gaystay aagga Milihoi ee ismaamulka Lamu ayaa lagu dilay 4 sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee dalka.
Saraakiisha ayaa dhintay ka dib markii dableyda ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen ciidamada ammaanka oo ku sugnaa aagaasi.
Warbahinta maxalliga ee Citizen ayaa ku warramaysa in labada dhinac ay is weydaarsadaeen raasaas, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo laamaha ammaanka ee dowlad deegaanka Lamu heegaan sare la geliyay ka dib weerarro dhawaan halkaasi ka dhacay oo ay ku dhinteen 7 qof.
Dhanka kae booliska ayaa jidgooyin dhigay Ndeu ee aagga Hindi oo ku taalla waddada xiriirisa Lamu-Wetu-Garsen, ka dib weerarkii maanta dhacay.
Sidoo kale dowladda dhexe ayaa dhawaan bandow 30 cisho ah ku soo rogtay goobaha ay saameeyeen falalka amni darro ee ismaamulka Lamu.