Maamulka NACADA oo ka soo horjeestay in ardayda laga baaro isticmaalka daroogada

0
858

Maamulka qaran ee la dagaalanka isticmaalka maandooriyaha ee (NACADA) ayaa ka soo horjeestay soo jeedin ka timid wasiirka wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha oo ahayd in ardayda dugsiyada sare si qasab ah looga baaro inay daroogo isticmaalaan iyo in kale.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kordheen falalka lagu gubo goobaha waxbarashada oo sababaha loo aaneeyay ay ka mid tahay adeegsiga maandooriyaha.
NACADA ayaa bayaan ay soo saartay ku dhaliishay hadalka Magoha oo in lagu tallaabo qaado ay ku tilmaantay sharci darro.
Madaxa fulinta ee maamulkanVictor Okioma ayaa xusay in Kenya uunan ka jirin xeer dhigaya in ardayda laga baaro isticmaalka balwadda.
NACADA ayaa dhanka kale maamulayaasha dugsiyada ku boorrisay inay adeegsadaan siyaabo kale oo caddeymo ku saleysan si loola tacaalo in ardayda ay isticmaalaan balwad.
Waxaa sidoo kale soo jeedintii wasiirka ka soo horjeestay qaar ka mid ah khuburrada dhanka tacliinta , waalidiin iyo qareeno sheegay in haddii sidan la sameeyo ay noqonayso in lagu xadgudbay xuquuqda dastuuriga ee carruurta.