Bogga Facebook-ga ee waaxda ODPP oo la jabsaday oo 6 toddobaad ka dib dib loo soo celiyay

0
488

Barta Facebook-ga ee waaxda dacwad soo oogidda dalka ee ODPP ayaa maamulida barteeda dib u soo ceshatay.
Waxaa muddo gacanta ku hayay dad lagu eedeeyay in ay jabsadeen.
Boggaan oo aan shaqayn tan iyo markii la jabsaday bishii 11-aad ee sanadkii hore, ayaa maanta dib loo soo celiyay.
“Waxaan rabnaa inaan ku wargelinno xubnaha bulshada in boggayagii Facebook-ga dib loo soo celiyay” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta ee waaxda dacwad soo oogidda dalka ee ODPP
Burcadda jabsatay ayaa magaca barta ODPP ee Facebook-ga u beddeshay Fam Hâm Mộ Của QuanCon.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii la jabsaday baraha interneetka ee 18 waaxood oo dowladda ah.