Xarunta qaaradda Afrika u qaabilsan ka hor tagga iyo xakameynta cudurrada ee Africa CDC ayaa sheegaysa in xayiraadaha daran aynan sidii hore u xakameyn faafitaanka caabuqa corona.
Agaasimaha xaruntan John Nkengasong ayaa arrintan ka hadlay.
Shir jaraaid oo uu qabtay ayuu ka sheegay in laga soo gudbay xilligii la adeegsanayay xayiraadi si loo yareeyo isqaadsiinta cudurka.