Madaxa fulinta ee EACC oo ku biiray guddi caalami ah

0
300

Madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak ayaa loo doortay inuu xubin ka noqdo guddiga fulinta ee ururka caalamiga ee maamullada la dagaallamo musuqmaasuqa ee (IAACA).
Mbarak iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeedo waddamada Koonfur Afrika Mauritius, Senegal iyo Morocco ayaa matali doono qaaradda.
Madaxa fulinta ee EACC ayaa ururkan caalamiga ah xubin ka ahaanaya muddo saddex sano ah.
Guddiga EACC ayaa horay u sheegay in muddo sanad gudihiis ah uu isagoo kaashanaya waaxda dacwad soo oogidda dalka uu dib u soo celiyay hanti aan la caddeyn qaabkii lagu helay oo qiimaheedu yahay 25 bilyan oo shilin.