Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa sheegay in aan la qaban doonin kal-fadhiyo horay loo shaaciyay in xildhibaanada ay yeeshaan maanta iyo berri.
Waxaa uu go’aankan u aaneeyay in ajeendihii ugu muhiimsanaa ee kulamada xalay la soo gabagabeeyay.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday qoraal uu soo saaray karaaniga baarlamaanka Michael Sialai.
Isniintii ayay ahayd markii uu Justin Muturi sheegay in mudanayaasha ay Arbaco ilaa Jimcada yeelanayaan kal-fadhiyo gaar ah.
Sidoo kale waxaa dib loo dhigay akhrinta labaad ee isbeddelka lagu sameeyay xeerarka soo iibsashada.
Fadhiyada caadiga ah ee baarlamaanka ayaa dib u furmi doono 25-ka bishan koowaad ee Jannaayo.