Waaxda saadaasha hawada oo sheegtay in bishan roobab badan aynan di’i doonin

0
376

Roobabkii lagu diirsaday ee ka da’ay dalka bilihii 11-aad ilaa 12-aad ee sanadkii hore ayaa yaraaday.
Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in bartamaha bishan qaybo badan oo ka mid ah wadanka ay ka jiri doonto cimilo qallalan.
Waaxda KMD ayaa xustay in la filayo in roobab aan badneyn toddobaadyada ugu horreeya bishan ay ka da’aan galbeedka Rift Valley, dooxada Harada Victoria, meelaha qaar ee joogoodu hooseeya ee dalka iyo qaybo ka mid ah gobolka xeebta.
Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee dalka Stella Aura ayaa beeralayda ku nool meelaha abuurka ku fiican ku boorrisay in ay xaaladdan ka faa’iidaystaan.
Mrs. Stella Aura ayaa ka digtay inuu hoos u dhac ku imaan karo daaqa xoolaha iyo biyaha gaar ahaan gobollada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed ee dalka, taasoo ay xustay inay horseedi karto colaadaha dadka duur-joogta ah biyo yari awgeed.