Ismaamullada oo dalbanaya in wasaaradda maaliyadda ay lacago ku wareejiso

0
317

Hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ayaa sheegaya inaysan weli dowladda dhexe ka helin dhaqaale dhan 42.26 bilyan oo shilin oo loo qoondeeyay .
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada ee COG ahna madaxa dowlad deegaanka Embu Martin Wambora ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka ayuu ka codsaday inay soo saarto dhaqaalihii 47-da ismaamul loo qoondeeyay sanadkii hore.
Wambora ayaa dhanka kale walaac ka muujiyay in baarlamaanka uu ka dib dhacay ansaxinta xeer arrinkan ku aaddan.
Waxaa uu ku celceliyay in dhaqaale yarida ay wajahayaan dowlad deegaanada ay sabab u tahay inuu hakad ku yimid bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada.