Maxkamadda oo hakisay in shaqaalaha dowladda ee xilal doonka ah ay is casilaan bisha labaad

0
420

Maxkamadda qaabilsan arrimaha shaqaaleysiinta ee dalka ayaa soo saartay amar ay ku hakinayso in lagu tallaabo qaado xeerka dhigaya in mas’uuliyiinta dowladda u shaqeeya ee doonaya inay xilal siyaasadeed u tartamaan ay qasab ku tahay inay is casilaan 9-ka bisha labaad ee sanadkan.
Waxay maxkamaddu sheegtay in xeerkaasi oo qayb ka ah qodobbada doorashooyinka aan la adeegsan karin.
Garsoore Monica Mbaru ayaa amarkan soo saartay ka dib dacwad uu 21-kii bishii Diseembar ee sanadkii hore gudbiyay Julius Wainaina .
Dacwaddan ayay maxkamadda dhageysan doontaa 24-ka bishan koowaad oo ah 15 cisho ka hor muddada kama dambeyska ah ee saraakiisha dowladda loo qabtay inay jagooyinkooda iska casilaan haddii ay ka mid noqonayaan musharraxiinta loollami doono xilliga codeynta bisha siddeedaad.