Waxaa lagu soo warramayaa in daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia ay hooy la’aan dhigeen ugu yaraan 30,000 oo qof.
Waaxda maaraynta musiibooyinka ee wadankaasi ayaa sidoo kale sheegtay inay xaqiijisay dhimashada labo carruur ah.
Gobollada ay maalmo roobab ka da’ayeen waxaa ka mid ah Jambi iyo Aceh.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhibaatadan ay sii waxyeelayn karto dhaqaalaha dalkaasi iyadoo laga cabsi qabo inay kordhaan xaaladaha cudurka COVID-19.